Published On: Sun, Jun 4th, 2017

Banaan bax lagu taageerayo Boqolka maalmood ee Madaxweynaha oo ka socda Stadium Banaadi

Banaan bax ballaaran oo lagu taageerayo boqolka maalmood ee Madaxweynaha ayaa hada ka socda Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee degmada C/casiis.

Kumanaan ruux oo badan haween ayaa ka qeyb qaadanaya banaan baxa, kuwaasoo saakay gaadiid looga soo qaaday degmooyinka, waxaa ay wataan calanka Soomaaliya, fanaanado iyo Koofi uu ku sawiran yahay Madaxweynaha.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiro, Xildhibaano, qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona banaan, baxa, taasoo noqoneysa khudbadii u horeysay ee uu shacabka u jeediyo.

Banaan baxan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Madaxweynaha oo ka dhaca Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300