Published On: Sat, Jun 3rd, 2017

Ciidamada Xasilinta oo habeenkii labaad howlgal amni sugid iyo hub ka dhigis ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada wadajirka ee loogu magac daray Xasilinta Muqdisho ayaa xalay habeenkii labaad howl galo xooggan ka sameeyay degmada Dharkeenley, iyadoo howl galkan uu ahaa mid degmada kaliya laga sameeyay.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa mid mid u baaraya guryaha, iyagoo intii uu socday howl galka lagu soo qabtay dhalinyaro iyo ciidamo hubeysan.

Howl galkan oo qaatay saacado ayaa la soo gaba gabeeyay xalay saqdii dhexe, waxaana markii dambe la sii daayay dhalinyaradii lagu soo qabtay, kaddib baaritaan la marsiiyay.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay ciidamo hubeysan, kuwaasoo laga qaatay hubkii ay wateen, waxaana ay ku wargeliyeen inay yimaadaan xaruntii Xisbiga oo talis u ah ciidamada xasilinta, iyagoo cadeynaya halka ay ka tirsan yihiin iyo hadii ay sharci u heystaan hubka, si loogu wareejiyo marka ay cadeymo dhab keenaan.

Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa habeenadii la soo dhaafay howl gallo xiriir ka waday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana howl galadan ay ahaayeen kuwo amniga lagu xaqiijinayay.

Tan iyo markii ay ciidamadan si rasmi ah u howl galeen, waxaa magaalada ka yaraaday hubkii faraha badnaa ee lagu ilaalinayay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidanka, waxaana is bedel weyn lagu arkay waddooyinka Muqdisho oo qoryihii cuslaa iyo kuwii ku rakibnaa gaadiidka dagaalka uu ka yaraaday, taasna dad badan ay u riyaaqeen.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300