Published On: Thu, Jun 1st, 2017

Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka Xooga Dalka

Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Janaraale Axmed Maxamed Tareedishe oo ah Taliyaha ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya Qeybta 52 oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in horjoogaha is soo dhiibey uu kala soo baxsaday Kooxda Al-shabaaab labo qori iyo rasaas farabadan waxaana u sheegay in uu si nabad ah kusoo gaaray Xeradda ciidamadda.

Horjoogaha is soo dhiibay ayaa sheegay in uu u dulqaadan waayey falalka guracan ee naxariis daradda ah ee kooxda shabaab kula kacayaan shacabka Soomaaliyeed sidaana uu u go’aansaday in uu si cad uga soo horjeesto kooxda Al-shabaab.

Radio Muqdisho

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300