Published On: Wed, May 31st, 2017

Kabul: Uga yaraan 80 ruux ayaa ku geeriyootay, 350 kale waa ay ku dhaawacantay qarax gaari

Uga yaraan 80 qof ayaa ku geeriyootay, waxaana ku dhaawacmay 350 ruux kadib markii qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari uu ku qarxay magaalada Kabul ee caasimada dalka Afghanistan maanta oo arbaco ah.

Waxa uu qaraxa ka dhacay meel u dhaw safaarada waddanka Jermalka uu ku leeyahay Kabul, khasaaraha uga badana waa rayid, waxa uuna dhacay xili mashquul badan uu jiro.

Taliban ma sheegan oo waa ay diiday in ay iyada fulisay weerarkan, waxaa sidoo kale aan war ka soo bixin kooxda Islamiga ah ee IS, sidaas darteed ma jirto cid mas’uuliyada weerarkaas sheegatay.

Afghanistan ayaa wehel u noqotay qarax joogta ah mar walbana galaafanaya nolosha dad badan oo dalkaas u dhashay iyo dawladaha ciidankooda jooga halkaas ama safaarado ku leh, waana qaraxii uga weynaa ee dhaca bishan barakaysan ee Ramadan.

Sonna

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300