Published On: Tue, May 30th, 2017

Madaxweyne Farmaajo: ” Dowladda Federaalka waxay xoojineysaa Nabadda Gaalkacyo”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’antahay adkeynta Nabadda Magaalada Gaalkacyo.

Mudane Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan ka jeediyay Munaasabaddii Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ee shalay ka dhacday Magaalada Cadaado.

Waxaana uu ku tar tarsiiyay labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland in wada shaqeynta ay xoojiyaan islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii mar kale dagaal sokeeye aanu uga dhici lahayn Magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo ayaa waxaa ka kala arrimiya Maamullada Puntland iyo Galmudug kuwaas oo xiisado u dhexeeya ay soo noq noqdeen walow hadda xaaladdu degan tahay.

Shabelle

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300