Published On: Sat, May 27th, 2017

Somaliland oo sheegtay in Imaaraadka ay weeraro ka qaadi karaan saldhiga cusub ee Berbera

Sarkaal sare oo Somaliland ka tirsan ayaa jimcihii shalay sheegay in Ciidamada ka socda Imaaraadka Carabta ay sida ugu dhaqsiyaha badan diyaaradahooda dagaalka ay ka duuli doonaan Saldhigga Berbera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Imaaraadka ay saldhig Berbera u isticmaali karaan ujeedo kasta oo ay ku jiraan, tababarka, ilaalinta badda iyo howl galada milateri.

Berbera ayaa 250 KM u jirta koofurta Yemen, halkaasoo isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ay ku jirto Imaaraadka Carabta dagaalo kula jiraan Jabhadda Xuutiyiinta.

Saldhigga ayaa wali ku socda dhisme, hase ahaatee maraakiibta dagaalka ee Imaaraadka Carabta ayaa mar dhoweyd ku soo dhowaaday biyaha Berbera, gaar ahaan meel u dhow Dekeda oo dhowaan lagu wareejiyay Shirkadda DP World.

Wareysi uu siiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Laanta afka Soomaaliga ee VOA, isagoo ku sugan Washington ayaa difaacay dekeda iyo saldhiga milateri ee lagu wareejiyay Imaaraadka, kaasoo bishii February uu ansixiyay Baarlamaanka Somaliland.

Mr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn in saldhiga milateri ee Imaaraadka ka isticmaalayo Berbera uu khilaaf ka abuuri karo gobolka, waxaa uu tilmaamay in horay Imaaraadku saldhig milateri ugu lahaayeen Dekeda Casab ee dalka Eritrea, taasna aanay wax khilaaf ah ku keenin Gobolka, isagoo intaa ku daray in saldhiga cusub ee Berbera aanu wax caqabad iyo khilaaf abuuri doonin.

Heshiiska Somaliland la gashay Imaaraadka ee saldhiga Milateri ka dhisanayaan Berbera ayaa waxaa horay uga soo horjeestay dowladda Soomaaliya, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka keeneen mooshin ka dhan ah saldhigga milateri, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa warqad uu u diray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan saldhigga milateri ee Imaaraadka Carabta.

Somaliland ayaa sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayna tahay dal madax banaan, hase ahaatee wali ma aysan helin wax aqoonsi caalami ah, iyadoo maalmo ka hor ay ku beegneyd sanad-guuradii 26aad ee ka soo wareegatay, markii gooni isu taagga ku dhawaaqday.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300