Published On: Wed, May 24th, 2017

Khaatumo oo sheegtay in fara galin lagu hayo Wadahadallada ay laleeyihiin Soomaaliland

Maxamuud Sheekh Cumar Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Khaatumo oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in wadahadallada Maamullada Khaatumo iyo Somaliland lagu hayo fara gelin taas oo uu ka digay.

Waxa uu carabka ku dhuftay Guddoomiyuhu in Fara gelin cad Wadahadalladaasi uu ku hayo Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Khaatumo ayaa hoosta ka xariiqay in xilligii Cabdirashiid Xidig uu ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arriamaha Gudaha uusan ka hadli jirin colaaddii u dhexeysay Maamullada Dariska ah ee Soomaaliland iyo Khaatumo balse haatan oo uu yahay Xildhibaan Dowladda dhexe ka tisran fara galin qaawan ku hayo arrimahodoa sida uu hadalka u dhigay.

Masuuliyiinta labada Maamul ee Soomaaliland iyo Khaatumo ayaa Rajo weyn ka qaba isfahamkooda , marka loo eego wadahadallada u dhexeeya.

Shabelle

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300