Published On: Thu, May 18th, 2017

Ciidan gadoodsan oo la wareegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in ciidan gadoodsan oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ay la wareegeen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ciidamadan oo ah kuwo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xiray qeybo ka mid ah wadada warshadaha iyo waddooyinka soo gala Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidoo kale Ciidamada ayaa diiday in la galo ama laga soo baxo xarunta, waxaya ay sheegeen inay ka gadoodsan yihiin mushaarkooda oo aanay dhowr bil helin, oo ay xaquuqdooda ka maqan tahay

Saraakiisha ciidamada ayaa dadaal ugu jira inay xaliyaan xiisada, isla markaana ciidamada dib loogu celiyo xerooyinkooda.

Madaxweynaha ayaa dhowaan sheegay inay ku guuleystaan in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay bixiyeen mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, hase ahaatee ciidamada ayaa ku doodaya in aysan wax mushaar helin dhowr bilood

Waa markii labaad oo ciidamo ka tirsan Milateriga ay gadood sameeyaan, tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmaajo.

Xigasho: Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300