Published On: Sun, May 14th, 2017

Ciidamo Ethiopian ah oo Dad Siyaabo kala duwan ugu dilay Gobolka Hiiraan

Gaadiid Dagaal oo ay la socdeen Ciidamo Ethiopian ah oo ka yimid dhanka Ethiopia kuna soo jeeday deegaanka Halgan ayaa siyaabo kala duwan Dad Rayid ah ugu laayay Gobolka Hiiraan.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle ugu warramay in ku dhawaad 20 qof oo rayid ahaa ay ku dileen Ciidamadaasi Ethiopian-ka intii wadada ay ku sii jireen.

Dadkaasi Rayidka ahaa ayaa Ciidamadaasi Ethiopian-ku ku dileen deegaanada Buurdaar, Garisyaani iyo deegaano kale oo ku dhow dhow deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa siyaabo kala duwan Dad Rayid ah ugu laayay deegaanno dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay ka howlgalaan.

Shabelle

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300