Published On: Fri, May 5th, 2017

Faahfaahin dheeri ah Qarax ka dhacay Muqdisho

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax Miino oo Gaarigiisa loogu xiray Masuul ka tirsan Jaamacadda Horseed, kaasi oo ka dhacay Wadada Taleex ee Magaalada Muqdisho.

Wariye halkaasi ku sugan ayaa inoo sheegay Qaraxa in uu ahaa mid si weyn looga maqlay Agagaarka goobta uu ka dhacay.

Masuulka Qaraxa loogu xiray Gaarigiisa ayaa waxaa lagu magacaabaa C/kariin Sheekh Maxamed, kaasi oo ka tirsan Madaxda Jaamacadda Horseed, waxaana soo gaaray dhaawac culus.

Warar kale ayaa sheegaya in C/kariin uu sidoo kale la shaqeynayay Hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray Gaarigii uu watay.

Dhaawaca C/kariin ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, halkaasi oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay baaritaano ka sameeyeen, kadibna sida caadada aheyd ay isaga dhaqaaqeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300