Published On: Thu, May 4th, 2017

SAWIRO: Wasiir Siraaji oo Aas Qaran loo sameeyay

Allaha Unaxariistee waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu Aasay Wasiirkii Holwaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji, oo xalay fiidkii Afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, isaga oo wata Gaarigiisa.
Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay Salaada Janaasada Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas C/laahi Siraaji oo xalay la dilay, kaas oo aas Qaran loogu sameeyey Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile), Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Ehelada Marxuumka oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibbadiisa, iyo xubno kale.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa iyo Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay la muragoonayaan Geerida naxdinta leh, iyaga oo sheegay muhiim in ay tahay in la dejiyo Qorshe Amnigooda lagu sugayo Wasiirada iyo Xildhibaanda.

Waxa ay sheegeen in Alle ay uga baryayaan Marxuum Cabaas Janatul Fardowsa in uu ka waraabiyo, Qoyskii iyo Eheladii uu ka tagayna uu samir iyo Iimaan Alle ka siiyo.

Ehelada Marxuumka ayaa dhankooda Dowladda Federaalka waxa ay ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno raggii ka dambeeyay dilka Marxuum Cabaas.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300