Published On: Thu, May 4th, 2017

Guddoomiyaha gobolka Baay oo la magacaabay

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay waxa uu u magacaabay Cali Wardheere C/raxmaan, kadib kulankii ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Masuulka loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Baay ee lagu magacaabo Cali Wardheere C/raxmaan ayaa la sheegay in uu ahaa Ganacsade si weyn looga yaqaano Degaanada Koonfur Galbeed, wuxuuna bedelayaa C/rashiid C/laahi Maxamed oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale Kulanka Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu cambaareeyay dilkii loo geystay Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib udhiska Cabaas C/laahi Shiikh Siraaji oo xalay fiidkii Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay ku toogteen Afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, islamaantana lagu Aasay Muqdisho.

Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug, kuna soo baxay Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo noqday Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Koonfur Galbeed waxa ay sheegtay in ay la shaqeyn doonto Madaxweynaha cusub ee la doortay, iyaga oo u mahadceliyay Xildhibaanada Maamulka Galmudug ee suurtageliyay in ay dhacdo Doorasho lagu wada qanacsan yahay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300