Published On: Fri, Apr 28th, 2017

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faah faahisay qaab dhismeedka CXD


Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay qorshaha qaab dhismeedka Ciidamada Qaranka Soomaaliya, kaasi oo maalmahan muran uu ka taagan yahay.Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka ayaa Todobaadkan Mooshin ka gudbiyay Hannaanka loo dhisayo Ciidamada Qaranka, waxayna ka soo horjeedaan qaabka la doonayo Ciidamada in lagu dhiso.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa sheegay qaabka loo fahmay dhismaha Ciidamada Qaranka in aysan aheyn.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay Dowladaha caalamka in ay ka heleen balan qaad ah in ay u tababarayaan Ciidamo gaaraya 18,000, Dowladdana ay saxiixday heshiiskaasi, laakiin taasi micnaheeda uusan aheyn in Ciidamada Soomaaliya lagu soo koobayo 18,000 oo Askari.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300