Published On: Tue, Apr 25th, 2017

Musharrax Kenyan ah oo ku ololeynaya haddii la doorto in uu Ciidanka KDF ka saarayo Somaliya

Iyada oo Dalka Kenya ay ka socdaan ololaha loogu jiro tartanka madaxtinimo ee doorashada Bisha August ee soo socota ka dhaceysa Dalka Kenya ayaa Musharrixiintu adeegsanayaan ballan qaadyo ay ku soo jiidanayaan Codbixiyayaasha Doorashada 2017ka.

Hoggaamiyaha hadda Mucaaridka ah ee hoggaamiya Xisbiga NASA Kalonzo Musyoka,ayaa ballan qaaday in haddii shacabka Kenya ay isaga doortaan uu muddo gaaban Ciidanka Kenya ugu celin doono dalkooda.

Mr Kalonso waxaa uu ka mid ahaa Xukuumaddii Mwai Kibaki ee Ciidamada u soo dirtay Soomaaliya ayaa ku dooday in go’aanka uu madaxweynaha Xilligaas Ciidanka ugu diray Soomaaliya ay ahayd si ku meel gaar ah islamarkaana amniga Kenya lagu xasilinayay.

Waxaa uu dowladda Xisbiga Jubilee ee Uhuru Kenyatta ku eedeeyay in ay doonayaan in Ciidanka Kenya ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Askar badan oo Kenyaan ah ay naftooda ku waayeen gudaha Soomaaliya,sidoo kalena waaliddiin badan u xiiseen wiilashooda.

Waxaa uu ballan qaaday in Ciidanka Kenya uu dib ugu soo celin doono dalkooda haddii Bisha August ay isaga Madaxweyne u doortaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300