Published On: Tue, Apr 25th, 2017

Madaxweyne Farmaajo oo booqashadii 5aad oo dibadda ah ku tagaya Turkiga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa manta la filayaa in uu ka dhoofo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,,isaga oo ku siijeeda Dalka Turkiga.

Ilo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u sheegay Mustaqbal Radio,in madaxweynaha uu manta booqasho ku tagayo Dalka Turkiga.

Booqashadan oo aan si rasmi ah loo shaacin waxa ay ujeedadeedu tahay ayaa la sheegayaa in ay la xiriirto sii xoojinta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka walaacsan doorka fir fircoon ee Imaaraadku ku leeyahay Gobolka waxaana dalal badan oo ay ugu horreeyaan Turkiga iyo Imaaraadka ku tartamayaan sidii ay sameyn ugu yeelan lahaayeen Soomaaliya.

Imaaraadku waxaa uu Soomaaliya ka taageeraa tababarka Ciidamada Milataraiga iyo dhinaca Caafimaadka,halka Turkiga uu Soomaaliya ka taageero kabidda Miisaaniyadda dowladda Federaalka ah,dib u dhiska hay’adaha dowliga ah,Dhismayaasha Waddooyinka, Waxbarashada iyo amniga.

Madaxweyne Farmaajo 61 Cisho gudahood ayuu booqashadii 5aad ku tagayaa dalka dibaddiisa waxaana booqashadii ugu horreysay uu ku tagay Sucuudiga 23kii Februay 2017ka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300