Published On: Tue, Apr 25th, 2017

Maamulka Baledweyne oo sheegay in xabsiga lagu sii hayn doono Odayaasha

Kadib markii Maamulka Gobolka Hiiraan, maalin ka hor ay xabsiga dhigeen tiro Odayaal ah oo hal beel ka soo wada jeeda, islamarkaana loo haysto inay keenaan askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la hayb ah Odayaasha kaasi oo dil ka gaystay Magaalada Baledweyne.

Odayaashaan oo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan uu isugu yeeray kulan, markii ay u tageena xabsiga la dhigay, ayaa Maamulka Gobolka Hiiraan oo xariga Odayaasha ka hadlay, wuxuu sheegay in aanan xabsiga laga sii dayn doonin Odayaasha illaa ay ka keenaan Askariga.

Maxamed Ibraahin Food Cadde Gudoomiyaha Magaalada Baledweyne, ayaa sheegay Odayaasha xabsiga in lagu sii hayn doono, sida uu go’aansaday Maamulka illaa ay keenaan askariga la haybta ah ee dilka gaystay.

“Odayaasha weli waa ay xiran yihiin, Odayaasha waxaa loo haystaa dhib iyo dhaawac ayaa dhacay, waxaa lagu balansanaa inay soo gacan galiyaan ninka, ma aysan dhicin, illaa ay askariga ka keenaan lama sii daynaayo Odayaasha wax dhibaato ah ma qabaan waa ay fiican yihiin.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baledweyne.

Nabadoon Axmed Xasan Cali, oo maalintii la xiray Odayaashaan xarigooda ka hadlay, ayaa sheegay  in Cali Jeyte Cismaan uu amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo Odayaasha Dhaqanka, oo iminka ku xiran Saldhiga Booliska Baledweyne. Wuxuu xusay in dhawr iyo toban ay gaarayan Odayaasha xiran.

Isagoo la hadlayay Idaacadda Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho, ayuu Cali Jeyte Cismaan uu ku eedeeyay in dhibaato aad u baaxad weyn uu ka wado Magaalada Baledweyne.

Waxaa xusid mudan askariga loo xiray Odayaashaan in Maamulka Gobolka Hiiraan iyo dowladuba ay hubka u dhiibeen, kadibna dil uu gaystay loo soo xiray Odayaasha Beeshiisa ka soo jeeda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300