Published On: Tue, Apr 25th, 2017

Duqayn culus oo ka dhacday Koonfurta Somaliya

Diyaarado aan la aqoon dalka laga leeyahay, ayaa caawa duqayn culus ka gaystay Deegaanka Wargaduud ee Gobolka Gedo, iyadoo duqaynta lala beegsaday saldhig ay deegaankaasi ku leeyihiin Ururka Al Shabaab.

Duqaynta oo ahayd mid is xig xigtay, ayaa si weyn looga maqlay Deegaanka Wargaduud iyo tuulooyinka ku hareereysan, waxayna duqayntu u muuqatay mid qorsheysan.

Waxaa soo baxaya Warar sheegaya in duqayntani lala eegtay xubno ka tirsan Saraakiisha Ururka Al Shabaab, inkastoo aan faah faahin laga hayn waxa ay kala yihiin.

Ilo wareedyo, ayaa xaqiijinaya in Xoogaga Shabaabku ay soo dhoobteen wadooyinka soo gala saldhigaasi, iyagoona xiray dhammaanba wadooyinkaasi.

Duqaynta ceynkani oo kala ah, ayaa waxaa inta badan lala xiriiriya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Juqraaci ahaan marka laga hadlayo Wargaduud waa dhul hawd oo buuraley ah, biyahana laga helo, waxaana la tilmaamaa in xilliyada qaarkood ay dhuumaaleysi ahaan u taggaan Madaxda Al Shabaab.

Wargaduud waxay ku taallaa inta u dhaxeyso Degmada Baardheere iyo Deegaanka Ceelcadde, iyadoo Ceelcadde uu 60km u jiro Xarunta Gobolka Gedo ee Magaalada Garbahaarey.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300