Published On: Mon, Apr 24th, 2017

Odayaal badan oo lagu xiray Magaalada Baledweyne

Odayaal Dhaqameedyo hal beel ka soo wada jeeda, ayaa Axadii lagu xiray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoona amarka lagu xiray uu bixiyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan,

Nabadoon Axmed Xasan Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan uu kulan isugu yeeray Odayaasha Dhaqanka, iyadoona uu weydiistay in ay soo qabtaan nin askari ah, oo toddobaadkii hore qof shacab ahaa ku dilay Magaalada Baledweyne.

Nabadoon Axmed Xasan Cali, ayaa intaa ku daray in Odayaasha Dhaqanka ay isu difaaceen in Maamulkii qoriga u dhiibay askariga dilka gaystay laga doonayo in uu gacanta ku soo dhigo, oo aanay hawshaasi ahayn mid Odayaasha Dhaqanka u taala.

Nabadoon Axmed Xasan Cali, ayaa xusay in Cali Jeyte Cismaan uu amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo Odayaasha Dhaqanka, oo iminka ku xiran Saldhiga Booliska Baledweyne. Wuxuu xusay in dhawr iyo toban ay gaarayan Odayaasha xiran.

Isagoo la hadlayay Idaacadda Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho, ayuu Cali Jeyte Cismaan uu ku eedeeyay in dhibaato aad u baaxad weyn uu ka wado Magaalada Baledweyne.

Nabadoon Axmed Xasan, ayaa ku baaqay in Madaxda Dowladda Dhexe laga gaarsiiyo in waxa uu ugu yeeray dooxa ay ka jirto Gobolkaasi Hiiraan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300