Published On: Mon, Apr 24th, 2017

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo Saaka 4 qof ku toogatay Magaalada Baydhabo

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Saaka fagaare ku yaala duleedka Magaalada Baydhabo waxa ay ku toogatay rag lagu eedeeyay iney masuul ka ahaayeen qaraxyo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Raga Saaka la toogtay oo Afar ahaa ayaa sanadii hore waxa ay maxkamada Ciidamada qeybta 60-aad ku riday xukun dil toogasho ah iyadoo Saaka lagu fuliyay.

Gudoomiyaha Maxkamada sare  Ciidamada qalabka sida ee Somaliya Gaashaanle sare Liibaan Cali Yaroow oo baydhabo utagay kiiskan ayaa goobjoog ka ahaa halkii ay ka dhaceysay toogashada.

danbiilayaasha xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa horay maxkamada waxa ay uga qirteen eedaha loo jeediyay ee ah iney ka danbeeyeen qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo bishii 2aad sanadii 2016 kii.

Qaraxa lagu soo eedeeyay raga la toogtay oo dhacay 29kii bishii February ayaa waxaa ku dhintay 20 qof oo ubadnaa dhalinyaro maqaaxi iyo hoteel ku daawanayay ciyaar kubada cagta eheyd.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300