Published On: Mon, Apr 24th, 2017

Ciidanka Puntland oo howlgal ka wada Galgala

Ciidanka amaanka Maamulka Puntland ayaa saaka howlgal ka billaabay Buuralayeda Galgala ee Gobolka Bari halkaas oo shalay qarax ka dhacay ay ku dhinteen Sagaal ka mid ah Askarta Maamulka Puntland oo waddada marayay.

Ciidamada ayaa isku fidiyay dhulka Baaddiyaha ah ee Buuraleyda Galgala waxaana ay baadi goobayaan ugu yaraan in ay helaan xubno ka tirsan Al-shabaab oo iyagu sheegtay in ay ka dambeeyeen Qaraxii lagu laayay Askarta Mamaulka Puntland.

Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa sheegay in aysan la hadlayn warbaahinta ilaa ay ka soo dhameeyaan howlgalka ka socda Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.

Qarax Miino ah oo dhulka la geliyay ayaa shalay ka dhacay Buuraleyda Galgala waxaana ku dhintay 9; ka mid ah Askarta Maamulka Puntland iyada oo kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Mas’uuliyadda Qaraxaas waxaa sheegtay xarakada Al-shabaab oo sheegtay in ay iyadu ka dambeysay,waxaa sidoo kale Buuraleyda Galgala ka dagaallama Kooxda uu hoggaamiyo Sh. C/Qaadir Cali Muumin oo taabacsan Daacish.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300