Published On: Sun, Apr 23rd, 2017

Yaa lagu wareejinayaa $47 Milyan oo Shacabka Imaaraadka soo ururiyeen

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay ficilkii wanaagsanaa ee ay shacabka iyo Warbaahinta Waddanka Imaaraadka ku dhaqaaqeen Jimcihii la soo dhaafay.

Warbaahinta la iska arko ee Waddanka Imaaraadka Carabta ayaa Jimchii qabtay olole ay lacag ugu ururinayeen dadka ay abaarta ku heyso Soomaaliya,waxaana ololahaas oo socday 6;  Saacadood lagu ururiyay $47 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Wasiirk Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ka hadlay ficilka shacabka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in lacagtaas lagu wareejinayo Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka gaar ahaa wasiirad Maryan Qaasim oo Wasaaraddeedu qabailsan tahay gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya.

Wasiir Yariisow waxaa uu intaas ku daray in dowladda Imaaraadka ay ballanq aadday in labo bilood oo kale ay ololahan wadi doonaan si wax looga qabto abaarta ka jirta Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300