Published On: Sun, Apr 23rd, 2017

Xildhibaan Cabdirisaaq ” Waxaan ku taliyay in Al-Shabaab lala hadlo”

Wasiirka hore ee Amniga Xukuumadda Soomaaliya hadana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in uu Madaxweynaha iyo sidoo kale Wasiirka Amniga uu kula taliyay in Al-Shabaab wadahadal lala galo.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Ammaanka Soomaaliya uu ku hagaagi karo oo kaliya in Al-Shabaab hogaamiyaashooda lala hadlo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay dib u qabsadeen degmooyin horay looga saaray, taasina ay tahay awood ay ku faanikaraan.

Waxaa uu xusay in uu Wasiirka cusub ee Amniga uu kula taliyay dagaalka in uu ka hormariyo wadahadal.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada Itoobiya ay fursad weyn ay siiyeen Al-Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300