Published On: Sun, Apr 23rd, 2017

Wasiirka Difaaca Mareykanka oo maanta Jabuuti u tagaya Howlgalka Al-shabaab

Diplomaasi Mareykan ah ayaa u sheegay wakaalada wararka u baahisa Turkiga ee Anadul in wasiirka difaaca Mareykanka James Matis oo maanta booqanaya dalka Jabuuti uu la kulmi doono saraakisha Mareykanka ee dalkaasi ku sugan waxana uu kala hadli doona balaarinta howlgalka ka dhanka ah Al-shabab.

Diplomaasigaan ayaa diiday magaciisa in warbaahinta loo adeegsado sababo in uusan ka hadli karin arimaha Militariga waxana uu shaaca ka qaaday in Matis marka uu tago saldhiga Mareykanka ee Jabuuti ku leeyiohyiin uu halkaasi kula kulmi doono Saraakisha Military ee Mareykanka,Diplomaasigaan ayaa xusay in qorshahaan uu daba socdo go’aankii Madaxweyne Trump uu ku wargeliyay taliska Mareykanka ee Africa balaarinta dagalka Al-shabab.

Askar gaareysa 4500askari ayaa kaga sugan Mareykanka dalkaasi Jabuuti uu kuleeyahay saldhiga ugu weyn ee Africa waxana laga fuliyaa werarada ka dhanka ah Al-qaacidada dalka Yemen iyo Al-shabab ee Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii Al-shabab ay sheegtay in weerar madaafiic ah ku qaaday saldhiga ciidanka Mareykanka ee Bali doogle ee Gbolka Shabeellaha hoose.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300