Published On: Sat, Apr 22nd, 2017

Rag labisan Dareeska Ciidamada Dowladda Federaalka oo dhac ka geysta Duleedka Muqdisho

Rag ku labisan Dareeska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in xilliyada Habeenkii ah ay dhac baahsan ka geystaan deegaanno dhaca duleedka Magaalada Muqdisho.

Meelaha Dhaca ay ka geystaan raggaasi ayaa waxaa ka mid ah agagaarka Jaamacadda Shabelle oo ay deegaansadaan Dad Danyar ah iyo Qoysas ka soo barakacay Abaaraha ku dhuftay Gobollada Dalka.

Waxaana ragani labisan Dareeska Ciidamada Dowladda ee dhaca u geysta dadkaasi Danyarta ah ay ka qaataan waxyaabaha ay ku kabana noloshooda iyo Mobillada Gacanta intaba.

Qaar ka mid ah Qoysaskaas oo Shabelle la hadlay ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka dalbadeen in si deg deg ah ay arrintaan wax uga qabato.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300