Published On: Fri, Apr 21st, 2017

Zuma oo cadaadis hor leh wajahayo

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Kgalema Motlanthe, ayaa BBC-da u sheegay in codkiisu aanu noqon doonin mid ay ku xisaabtamo xisbiga tadada haya ee ANC marka la gaadho doorashada 2019-ka.

Mr Motlanthe oo muddo kooban hayey xilka madaxtinimada dalkaas marna ahaan jiray ku xigeenka Zuma, ayaa cadeedey in uu isku deyey in uu ku qanciyo madaxweynaha dalka inuu xilka iskaga dego muddo sannad ah ka hor.

Wuxuu sidoo kale dhaliilay argtida wasiirada qaarkood ay ka qabaan dhaqaalaha dalka inkasta oo wasiirka cusub ee maaliyaddu isku deyayo inuu yareeyo cabsida baanka adduunku ka qabo dhaqaalaha Koonfur Afrika.

Ayadoo Kgalema Motlanthe u ka gaabsaday in

uusan dabarka u jeedinin xisbigan u noolashiisa oo idil u soo adeegayay ayaa haddana waxaa uu sheegay in aaan la isku haleyn karin in codkiisa uu siiyo xisbiga marka la gaaro doorashada guud ee 2019ka.

Wuxuu kamid yahay saraakiisha ugu sareysa ee shakiga geliyay mustaqbalka xisbiga ANC ee u hadda hogaaminyao madaxweyne Jacob Zuma.

Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa codka kalsoonida u qaadi doona Madaxweyne Zuma, ayada oo mucaaradka dalkaasina ay cadaadis ku saarayaan in uu xilka ka dago, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa sidoo kale taagera buuxda ah ka haysta dadka degan baadiyaha dalka .

Hogaamiyayaasha mucaraadka, ururada shaqaalaha iyo kooxaha diinta iyo bulshada rayidka ah ayaa bilaabay isbahaysi cusub oo ay ku khasbayaan Madaxweyne Zuma inuu xilka ka dego.

Isbahaysigan oo isku sheegay dhaqdhaqaaqa xoriyadda waxaa taageeray baadariga weyn Desmond Tutu.

Todobaadyadii la soo dhaafay, kumanaan qof ayaa ka dhigay dalka isu soo baxyo ay ku dalbanayaan in Madaxweyne Zuma iscasilo oo ay ku eedeyen musuq iyo dhaqalaha oo aan kobcin.

Dhanka kale, qofka lagu bedeli doono Madaxweyne Zuma in uu noqdo hogaamiyaha xisbiga ANC, ayaa la dooran doona dabayaaqada sanadkan balse Kgalema Motlanthe waxa uu ka dhawaajiyay suurta galnimada ah in doorashada xisbiga la soo dedejiyo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300