Published On: Thu, Apr 20th, 2017

R/wasaaraha “Aan isku tashano”

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku shaqeyn doonto rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, si looga dhabeeyo halbeega xukuumadda ee ah karti iyo hufnaan.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Dowladda ay isku deydo in ay isku tashato, isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga aruuriyay lacag badan, si wax loogu qabto dadka Abaaraha ay saameeyeen.

Sidoo kale Mudane Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada waxa uu ugu baaqay in ay u gurmadaan walaalahooda dhibaateysan, si ay u helaan gar gaar buuxa oo dhameystiran. Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ka sheegay xilli shalay uu booqasho ku tagay xeebta Liido, halkaasi oo uu kula kulmay shacab fara badan, isaga oo ka dhageystay fikirkooda ku aadan qaabka ay doonayaan in dalka lagu hoggaamiyo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300