Published On: Thu, Apr 20th, 2017

Maxay ka wada hadleen R/wasaaraha iyo Stephen Schwartz ?

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu la kulmay Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya,

Ra’iisul Wasaaraha iyo Stephen Schwartz ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga labada Dowladood iyo Dowladda Mareyanka doorka ay ku leedahay u gurmashada dadka Abaaraha saameynta ku yeesheen.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaraha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ka dalbday in Dowladda Mareykanka ay xoojiso taageerada ay siineyso Soomaaliya, si loo gaaro guulo hormar leh.

Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa waxa uu ka hadlay hormarada ay ku talaabsaneyso Soomaaliya, isaga oo Madaxda Dowladda ku ammaanay dadaalka ay wadaan ee ku aadan hormarka dalka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahadceliyay Dowladda Mareykanka waxaana uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka mid tahay Dowladaha sida gaarka ah u taageera Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300