Published On: Wed, Apr 19th, 2017

Khayre oo si lama fillaan ku kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa saaka si kadis ah kormeer shaqo wuxuu ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Somaliya.

Xilliga Ra’iisal Wasaaraha uu kormeerka ku tagaayay xarunta Wasaaradda waxaa si habsami leh u socday shaqada maalinlaha ah ee Wasaaradda Maaliyadda ay qabato, iyadoo dhamaan shaqaalaha wasaaradda ay ku mashquulsanaayen hawlahooda caadiga ah.

Kormeerkaan oo aanan horay loo sii shaacin, ayaa ujeedkiisa wuxuu yahay dar dargelinta shaqada ay hayaan Wasaaraddaha Xukuumadda.

Markii uu tagay Ra’iisal Wasaaraha xarunta Wasaaradda Maaliyada, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Maxamuud Xayir Ku simaha Wasiirka maaaliyadda oo warbixin ka siiyay sida shaqada ay ku socoto.

Masuuliyiinta wasaaradda Maaliyadda ayaa soo dhaweeyay kormeerka kadiska ah ee Ra’iisal Wasaaraha uu maanta ku tagay xarunta Wasaaradaasi, waxayna sheegeen inay tani muujinayso sida shaqada dar dar ay ugu socoto.

Ra’iisal Wasaaraha dalka ayaa shalay kormeer ku tagay Afar Wasaaradood oo ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumadda, isaga oo soo eegay sida shaqada ay ku socoto.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300