Published On: Tue, Apr 18th, 2017

Taliyaha Booliska Qoryooley oo beeniyay in ah AMISOM xiratay

Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa beeniyay in Ciidanka AMISOM ay xabsiga dhigeen.

Taliye Cali Waal ayaa sheegay in doodda ay jirto laakiin aan isaga la xirin,waxaa uu xusay in loo heystay labo qof oo ay AMISOM ku eedeyeen Al-shabaab oo uu isaga xabsiga ka siidaayay.

Labada Qof ayuu sheegay in ay shacab ahaayeen oo aysan ahayn Al-shabaab,AMISOM-na uu ku qanciyay in Dadkaas ay shacab ahaayeen.

Waxaa uu xusay Cali Waal, in aysan jirin sabab ay u xiri karaan Ciidanka AMISOM ee ay wada joogaan Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300