Published On: Tue, Apr 18th, 2017

Saraakiisha Mareykanka oo billaabaya tababarka C.X.D Soomaaliyeed

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay xoojinayso tababarada la siinaayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan Weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan tababarayaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka soo saarista Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo si heer sare ah loo tababaray.

Sarkaalkaasi oo wareysi siiyay TV-ga CNN  ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada Soomaalida laysku dari doono tababaro iyo sidoo kale qalabeyn.

“Taliska Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika waxaa ka go’an soo saarista iyo sidoo kale tababarida Ciidamo tayo leh oo ka hortagga Weerarada Al-Shabaab, Ciidamada Soomaalida waxaa si gaar ah uga taageeri doonaa qalabeynta” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

War Saxaafadeed dhawaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la helo xeelad looga hortagi karo Weerarada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa awood dheeraad ah siiyay Ciidamada ku sugan Qaaradda Afrika  si ay amar la’aan u beegsadaan goobaha ay joogaan Al-Shabaab.

Sidoo kale dhawaan Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Ciidamo Mareykan ah oo kuwaa soo tababari doonaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300