Published On: Tue, Apr 18th, 2017

Ra’iisal Wasaaraha oo la kulmay Madaxweynaha Ahlu Sunna

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay xafiiskiisa Madaxtooyadda Somaliya wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kulankan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira sida Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Ahlu Sunna.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo madasha ka hadlay, ayaa ka codsaday xubnaha Ahlu Sunna in la fududeeyo wada hadalka Galmudug iyo Ahlu Sunna, iyadoo aanan la keenin shuruudo badan.

Ra’iisal Wasaaraha wuxuu u balan qaaday madaxda Ahlu Sunna in wada hadalkaasi lug aysan ku yeelan doonin Xildhibaano horay loogu eedeeyay abaabulka dagaaladii ka dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo Ahlu Sunna iyo Galmudug dhexmaray.

Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira ee madashaasi ka hadlay, waxa ay ku baaqeen in mar kasta la eego danaha shacabka dhibaateysan ee ku nool Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa bogaadiyay kaalinta dowladda Federalka Somaliya ay ka qaadaneyso sidii xal buuxa loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka taagan Gobolada Dhexe.

Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa la filayaa wada hadalkooda inuu si rasmi ah uu kaga furmo Magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300