Published On: Mon, Apr 17th, 2017

Shariif Xasan: “dowladda wey ka gaabisay caawinta K.Galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay in ay ka gaabisay in maamulka Koofur Galbeed ay ka caawiso dagaalka ka dhanka ah Al-shbaaab.

Shariif Xasan waxaa uu sheegay in Mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed aysan mari Karin dhulka marka ay u socdaan muqdisho ama gudaha Maamulka Koofur Galbeed oo magaalooyinkii oo dhan ay go’doonsan yihiin.

Wxaaa uu niyad jab ka muujiyay in iyada oo Ciidamo badan oo AMISOM iyo Soomaali ah ay jiraan haddana aysan madaxdii dhulka mari Karin beddelkeedana Al-shabaab oo intaas ka tiro yar ay dhulka ku damaashaadayaan.

Wxaaa uu codsaday in la isugu tago go’doonkana wadajir looga qaado Magaalooyinka aan dhulka loo mari Karin ee degaannada Koofur Galbeed ku yaalla.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300