Published On: Mon, Apr 17th, 2017

Gaas: “Turkigu waxbaa ka qalddan,waana inuu toos ula xiriiraa Puntland

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa dowladda Turkiga ku canaantay sida ay u bixiso gargaarka ay siiso Soomaaliya.

Gaas ayaa sheegay in Turkigu uu qalad ka fahamsanyahay Soomaaliya maaddaama ay Soomaaliya tahay federaalna loo baahanyahay in maamul Goboleedyada uu iskood ula xiriiro.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Turkiga gargaarkii ay siiso Soomaaliya aysan dhaafin Caasimadda Muqdisho taasina ay tahay qalad uu ka galayo dadka Soomaaliyeed.

Gaas ayaa ku dooday in deeqaha waxbarashada,Tababarka Ciidanka iyo kaalmooyinka kale ee gargaarka ah ay dowladda Soomaaliya ka liya ku wareejiso gaarinna degaannada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa Muqdisho kula kulmay danjiraha Turkiga ee Soomaaliya waxaana ay ka wada hadleen kaalmada Turkiga ee Soomaaliya iyo in sitoos ah uu Turkiga ula xiriiro Puntland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300