Published On: Mon, Apr 17th, 2017

9; Askari oo AMISOM iyo Somali ah kuna dhintay Hoosingow

Ugu yaraan 9;Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku dhintay degaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubbada hoose.

Dhiamshada waxaa ay timid kaddib markii Ciidanka isbaheysanaya oo ku siijeeda howlgal ka dhan ah Al-shabaab ay la kulmeen miino dhulka loo geliyay halkaas oo ay ku dhinteen 9;Askari.

Ciidamada dhintay ayaa 4 ka mid ah waxaa ay yihiin Soomaali halka inta soo hartay oo gaareysa 5 Askari ay yihiin Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee degaannada Jubbaland.

Sarkaal ka tirsan Ciidamadaasi islamarkaana isaga ka badbaaday Qaraxa ayaa Idaacadda Mustaqbal u sheegay in xilliga qaraxa uu dhacayay ay u socdeen howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ay doonayeen in ay ka fuliyaan Gobolka Jubada hoose.

Ciidanka AMISOM ee ka socda Kenya ayaa waxaa ay Koofurta Soomaaliya gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa ay ka howlgalayeen ilaa sanadkii 2011kii markaas oo fasax la’aan ay ku soo galeen Soomaaliya kaddibna ay codsadeen in ay ku biiraan AMISOM sidaasna loogu daray.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300