Published On: Sun, Apr 16th, 2017

Wasiirka Amniga oo ka hadlay Shabaabka Muqdisho lagu dilay

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa waxaa uu ka hadlay labada nin ee ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, ee duhurnimadii maanta lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Raggan iyo nin kale oo la socday, ayaa madaafiic ka tuuray Degmada Wadajir, waxaana ku soo baxay ciidamada ammaanka, oo ku guuleystay in ay dilaan labadan nin, iyadoo mid kalana la sheegay in uu baxsaday.

Ciidamada ammaanka, ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaarigii madaafiicda laga tuuray, inkastoo uu gaariga mar dambe qarxay, xilli la sheegay in horey loo soo saaray walxaha qarxa.

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray halka uu hawlgalku ka dhacay, ayaa bogaadiyay tallaabada ay ciidamada ammaanku ku dileen xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Wasiirka, ayaa sidoo kale mahadcelin u jeediyay shacabka oo uu ku ammaanay in xogta raggaasi ay la soo wadaageen hay’adaha amniga.

Wasiirka, ayaa dhanka kale sheegay in labada nin ee la dilay ay Shabaabku u qaabilsanaayen inay madaafiicda ka tuuraan Degmada Wadajir, isagoo intaa ku daray in lagu daba joogay.

Waa markii ugu horeysay oo xoogaga ammaanka ay Magaalada Muqdisho ku dhex toogtaan xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, xilli ay madaafiic ku garaaceen qaybo ka mid ah magaalada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300