Published On: Sun, Apr 16th, 2017

Tanzania oo ku biirtay howlgalka ka dhanka ah Burcad Badeedda Somalida

Dowladda Tanzania ayaa ku biirtay howlgalka ka dhanka ah ee Burcad Badeedda Soomaalida kaddib kulan Magaalada Dar salaam ku dhexmaray Saraakiisha labada dhinac.

Taliyaha howlgalka la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ee Midowga Afrika Admiral Rafael Fernández-Pintado Muñoz-Rojas,,ayaa booqasho ku tagay magaalada Dar salaam ee Dalka Tanzania,waxaana uu la kulmay Taliyaha Ciidanka Badda Dalka Tanzania James Mwakibolwa,waxaana ay ka wada hadleen sidii wadajir ay isgaa kaashan lahaayeen ka hortagga burcad Badeedda Soomaalida.

Kulanka ayaa la iskula soo qaaday sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen ilaalinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuw agargaarka ee mara Badweynta Hindiya,waxaana dowladda Tanzania ay oggolaatay in ay qeybteeda ka qaadato howlgalka ka dhanka ah Burcad Badeedda Soomaalida ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Muhiimadda kulanka ayaa lagu sheegay in ay ahayd is afgaradka dhexmaray labada dhinac iyo sidii xal waara loogu heli lahaa Maraakiibta lagu afduubto Xeebaha Soomaaliya iyo kuwa gacanka cadmeed inta bandanna afduubtaan Burcad Badeedda Soomaalida ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300