Published On: Sun, Apr 16th, 2017

Madaxweynaha Gobollada dhexe oo ka soo degay Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,ayaa maanta ka soo degay Magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo wadahadallada Maamulkiisa iyo Mamaulka Galmudug.

Wafddiga Madaxweynaha Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir waxaa ku wehliyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Gobollada dhexe Saadaq Sheekh Yuusuf,Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Xasan Gaboobe iyo Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Mamaulkaasi.

Waddiga waxaa Muqdisho gaar ahaan Garoonak Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarx Juxa.

Sheekh Maxamed Shaakir waxaa la filayaaa in uu Muqdisho uga qeyb galo shir u dhaxeeya Mamaullada Galmudug iyo Gobollada dhexe oo la doonayo in la isku daro,waxaana doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhici doontaa 30-ka Bishan April.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300