Published On: Sat, Apr 15th, 2017

Taliska AMISOM oo ka warbixiyay Qarax Ciidamada AMISOM lagul eegtay Duleedka Afgooye

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Qarax miino oo Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM lagula eegtay Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Barta Twitter-ka Taliska AMISOM ayaa lagu xusay in Qaraxaan lagula beegsaday Ciidamada AMISOM Degaanka Ceel-Jaalle oo qiyaas ahaan 9Km u jira Degmada Afgooye ee Gobolkaasi.

Waxaa Taliska uu qeexay in Qaraxaasi uusan wax khasaare ah u geysan Ciidamada AMISOM.

Taliska ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ay burburiyeen labo miino oo lagu aasay wadada qarkeeda.

Ugu dambeyn, Taliska ayaa shaaciyay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab, si gargaar bini’aadannimo loo gaarsiiyo Degaanada Gobolka Shabeelaha Hoose.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300