Published On: Sat, Apr 15th, 2017

Sarkaal ka tirsan Daacish oo lagu dilay dalka Ciraaq

Ciidamada wadanka Ciraaq ayaa sheegay in la dilay Cabdullaahi Al-Badraani oo loo yaqaanno sidoo kale Abuu Ayuub kaasi oo ka mid ahaa hogaamiyaasha ugu sarreeya ururka Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in Al-badraani uu ku dhintay duqeyn ay gaysteen ciidamada Isbahaysiga caalamiga ah oo uu hogaaminayo Mareykanka waxayna ku dileen galbeedka magaalada Mousil.

Waxaa la aamisan yahay Al-Badraani in uu ahaa ninka soo saari jiray amarro badan oo ay ku dhaqaaqi jireen ururka Dacish kuwaas oo sida la sheegay keenay xadgudub dhimasho iyo ku tumashada xaquuqda dadka rayidka ah.

Ciidamada Ciraaq ayaa waxay isku dayayaaan inay dib u soo ceshadaan qeybta galbeed ee magaalda Mousil halkaasi oo la rumaysan yahay inay joogaan hogaamiyaal ka tirsan Daacish.

Dowladda Ciraaq ayaa sidoo kale waxay soo rogtay amarro ay ku ilaalinayso dadka shacabka ah nabadgalyadooda inta ay socdaan weerarada u dhaxeeya ciidamada iyo Daacish kuwaas oo isku haysta galbeedka magaalada Mousil.

Daacish weli kama aysan hadlin dilka loo gaystay Sarkaalkaan sare oo ka tirsan Ururkooda, hayeeshe arintaan ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii dambe bartilmaameed laga dhiganaayay Saraakiisha sar sare ee Daacish.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300