Published On: Sat, Apr 15th, 2017

Madaxda DF iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo laga digay in si siman ay uga qeyb galaan Shirka London

Ex  Xildhibaan Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan ayaa ka hadlay shirka  bisha soo socota ka furmi rabo Dalka Ingiriiska ee looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.

Waxaana Mudane Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu Hoosta ka xariiqay in shirkaas haddii uu yahay mid looga tashanayo Aayo Soomaaliyeed  ay dalka u matalaan Madaxda Dowladda Federaalka islamarkaana  aanu boos uga banaaneyn Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada ka jira Dalka sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Siyaasi Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii KMG ayaa ugu baaqay Dowladda Ingiriiska in wixii quseeya Arrimaha Soomaaliya ay kala xaajooto dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo uga digay in wax aan u qalmin umadda Soomaaliyeed aysan kula macaamilin .

Hadalka Ex Xildhibaan Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan ayaa imaanaya xilli Magaalada Muqdisho uu  shir uga furmi rabo Madaxda  Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka kaas oo warar soo baxaya ay sheegayaan in looga hadli rabo hanaanka looga qeyb galayo shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee bisha soo socota ka furmaya Magaalada London  ee Dalka Ingiriiska.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300