Published On: Sat, Apr 15th, 2017

Israsaaseyn Ciidamo iyo Kooxo Hubeysan ku dhexmartay Degmada Wardhiigleey.

Kooxo Hubeysan oo la socday Gaari nuuca Raaxad ah ayaa maanta Rasaas huwiyay fariisin Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin  laanta ka tirsan Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Nawaaxiga Xarunta Dugsiga Maxamuud Xarbi ee degmadaasi.

Goob Jooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Kooxo la socday Gaari nuuca Raaxada ah ay Tacshiirad xoogan huwiyeen Ciidamo Nabad Sugid ah oo ku sugnaa Laanta 3aad ee degmada Wardhiigleey.

Waxaana uu xaqiijiyay Goob Joogahaasi in aysan jirin wax khasaaro ah ee ka dhashay Tacshiiradaasi iyadoona kooxahaasi hubeysan ay goobta ka baxsadeen islamarkaana meesha wax ka dhaceen ay soo gaareen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo sameeyay baaritaanno kooban.

Magaalada Muqdisho ayaa beryihii u dambeeyay waxaa ku soo kordhayay weeraro ay fuliyaan kooxo hubeysan  oo la socda Gawaari yar yar kuwaas oo falalka ay geystaan kadib baxsada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300