Published On: Sat, Apr 15th, 2017

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo kormeer ka sameeyay Muqdisho

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen Masuuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf  Xuseen Jimcaale Madaale iyo qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray Xarumo dhowr ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa kormeerkiisa waxa uu ka billaabay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose Offico Governo isagoo sidoo kalana tagay Xarumo ay ka mid yihiin Taliska ilaalada deegaanka , Xarunta Dab Damisyada Gobolka Banaadir iyo Xarunta Gaadiidka Gobolka Banaadir, waxaana lagu sheegay Kormeerka Duqa Cusub u kuur galida xaaladaha ay ku shaqeeyaan Xarumaha ugu Muhiimsan Gobolka Banaadir.

Mr Taabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyadoona la filayo kadib markii uu xilka si rasmi ah ula wareego in Isbedello kala duwan uu ku sameeyo maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Si kastaba Caawa ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Munaasabad uu si rasmi ah xilka kula wareegayo Guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300