Published On: Sat, Apr 15th, 2017

Dowladda somaliya oo gargaar daawo ah gaarsiisay buuhoodle

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyaa diyaarad wadday gargaar isugu jira dawo iyo nafaqada Carruurta waxaa ay u dirtay magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ee Soomaaliya.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Cali Amxed Jaamac Jebgeli iyo mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobolka Togdheer ayaa halkaasi gaarsiiyay deeqdaas.

Xildhibaannada ka socday Federaalka ayaa aad loogu soo dhaweeyay Buuhoodle,halkaas oo xildhibaannada golaha degaanka iyo Odayaasha dhaqanka ay ku soo dhaweeyeen.

Mas’uuliyiinta ka socday Dowladda Federaalka ah ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta ay kala kulmeen shacabka Buuhoodle waxaana ay ballan qaadeen in ay ku metalayaan dowladda dhexe islamarkaana ay ka soo baxayaan waajibka ka saaran dadka soo doortay.

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac ayaa sheegay in deeqda ay gaarsiiyeen Buuhoodle ay gaareyso 4 Tan oo Dawo iyo nafaqada Carruurta ah waxaana uu xusay in ay tahay wax iska yar marka loo eego baahida degaanka ka jirta waxaase uu xusay in gar gaar kale la geynayo Buuhoodle.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300