Published On: Sat, Apr 15th, 2017

Dowladda Faransa oo ku baaqday in la xoojiyo Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Dowladd Faransa ayaa ku baaqday in xooga ahmiyada 1-aad la siiyo Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Daacish iyo Xarakada Al Shabaab.

Ku Xigeenka Danjiraha Faransa u fadhiya QM, Alexis Lamek ayaa waxuu sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay in laga adkaado Ururka Daacish iyo Xarakada Al Shabaab.

Mr. Alexis Lamek ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay xoojiso Hay’adaha Ammaanka, Ciidamada Booliska iyo kuwa Xooga Dalka, si Ammaanka guud ee Dalka ay ugala wareegaan AMISOM.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu ku booriyay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda in ay xushmeeyaan Xuquuqda Aadanaha markii ay sameynayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Masuulkan ayaa soo dhaweeyay in Dowladda Eritrea lagu waayo cadeymo muujinaya in taageero ay siiso Xarakada Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300