Published On: Sat, Apr 15th, 2017

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka gaystay Gobolka Gedo

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa inay duqeyn ka gaysteen deegaano ka tirsan Gobolkaasi

Wararka waxa ay sheegayaan xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal inay duqeeyeen duleedka Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, gaar ahaan goob fariisin u aheyd Ururka Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa jug xoogan oo ka dhaceysa duleedka Degmada Ceelcadde, jugtaasi oo ay ridayeen diyaarado dagaal oo hawada deegaanka Ceelcadde maraayay.

Waxaa la aaminsan yahay duqeynta in lala bartilmaameedsaday Saldhig Ururka Al Shabaab ay halkaasi ku leeyihiin, inkastoo aanan macluumaad badan laga haynin Khasaaraha dhabta ah ee duqeyntaasi ka dhashay.

Sidoo kale lama oga Saraakiisha lagu bartilmaameedsaday duqeyntaasi ee ku sugneyd duleedka Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo oo aan xiriir la sameysan nooma aysan suuragalin in aan helno si macluumaad dhameystiran aan uga helno duqeyntaasi.

Al Shabaab kama aysan hadlin duqeyntaan xalay saqdii dhexe lagu beegsaday fariisimada ay ku leeyihiin duleedka Degmada Ceelcadde.

Sanad ka hor ayeey aheyd markii Ururka Al Shabaab ay beegsadeen Saldhigii ciidamada Kenya ay ku lahaayeen Degmada Ceelcadde, halkaasi oo ay ku dileen askar aad u fara badan

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300