Published On: Fri, Apr 14th, 2017

Xukuumadda Somalia oo dooneysa dardar-gelinta dib u eegista Dastuurka Dalka

Kulan looga hadlayay sidii door-muuqda ay ugu yeelan la haayeen ururada bulshada rayidka dib u eegista dastuurka dalka islamarkana  goobjoog ay ka ahaayen guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka wasarada dastuurka xukuumada federalka Somaaliya, Dr Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in caqabada ay hortaagnaayeen dhameystirka dasturka balse haatan caqabadahaasi laga soo gudbay

Maadaama la dahmestiray maamul goboledyada dalka islamarkaana  Aqalka Sare oo dalka ka maqnaa laga yagleelay in markan la dardar galinayo wadatashiyada lagu dhamestirayo arimaha dastuurka dalka Soomaaliya

Gudoomiyaha Aqalka Sare C/xaashi C/laahi ayaa sheegay dhankiisa in ay ka shaqeynayaan sidii Bulshada Rayidka ay qeyb uga noqon la haayeen Dastuurka Dalka.

Sikastaba, Dasturka dalka ayaa haatan ah mid qabyo qoraal ah iyadoo xukumada cusubna ay wado qorshayaal ay ku dooneyso in ay ku dhameystirto dasturka dalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300