Published On: Fri, Apr 14th, 2017

Nin oday ahaa oo lagu dilay Magaalada Baydhabo

Nin oday ahaa, ayaa waxaa xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo ay dilkiisa gaysteen rag bistoolado ku hubeysnaa, oo dilka ka dib baxsaday.

Odayga la dilay oo lagu magacaabi jiray Xaaji Cabdi, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Mursal, wax yar uun ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday.

Dadka deegaanka, ayaa xaqiijiyay in odaygaasi la weeraray, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa oo aan sidaasi uga fogayn Masaajidka.

Dadka deegaanka, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dembiile-yaasha ay marxuumka dhawr xabadood kaga dhufteen madaxa, isla-markaana ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen.

Ciidamada ammaanka oo daqiiqado ka dib gaaray halka uu falku ka dhacay, ayaa ka qaaday meydka ninkaasi, waxayna bilaabeen hawlgal ay ku baadigoobayan dhagar-qabayaasha.

Allaha u naxariistee Xaaji Cabdi, ayaa ka tirsanaa Ergadii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka ku soo dooratay Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Dilka Xaaji Cabdi, ayaa waxaa si dhow loola xiriirinaya mintidiinta Ururka Al Shabaab, oo iyagu kal hore ku hanjabay in ay dili doonaan cid kasta oo ka qayb qaadata soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300