Published On: Fri, Apr 14th, 2017

Korneyl Geedi: Cid ii sheegtay malahan in xilka la’iga qaaday

Korneyl Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inaanu xaqiijin karin wararka sheegaya in xilka laga qaaday.

Warbaahinta qaybteeda, ayaa baahisay in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) uu xilka ka xayuubiyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, laguna soo bedelay General Axmed Xasan Maalin.

Korneyl Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa sheegay inaanay jirin cid xiriir la soo samaysay, una sheegtay in xilkii laga xayuubiyay.

“Cid ii sheegtay malahan in xilka la’iga qaaday, haddii ay noqon lahaayen Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Taliyaha Booliska Somaliyeedba. Ma jirto mid keliya oo arrintaas igala soo xiriiray.” Ayuu yiri Korneyl Bishaar Abshir Geedi.

Bishaar Abshir Geedi, ayaa waxaa uu ku waramaya in Warbaahinta oo qura uu ka maqlay xil ka qaadistiisii, ha yeeshee uu hubin doono waxa ka jira.

“Xil ka qaadisteeda waxaan ka maqlay Warbaahinta oo keliya, waana hubinaya haddii xilka la’iga qaaday iyo haddii kalaba.” Ayuu yiri Bishaar Abshir Geedi.

Korneyl Geedi, ayaa xilkan loo magacaabay horaantii bishii June ee sanadkii hore, ka dib markii xilkaasi laga xayuubiyay General Cali Xersi Barre (Cali Gaab).

Korneyl Geedi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Guriceel & Dhuusamareeb, ayaa horey u soo noqday Taliyaha Hogaanka Gaadiidka Booliska.

Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda Somaliya oo intooda badan 6-dii bishan xilalkii laga xayuubiyay, ayaan lagu wargelin, waxayna Warbaahinta uun ka maqleen xil ka qaadistooda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300