Published On: Fri, Apr 14th, 2017

Inta badan Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Dhuusamareeb

Ciidanka Militariga Itoobiya, ayaa waxaa la soo sheegaya in intooda badan ay maanta isaga baxeen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud

Ciidanka Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa barqanimadii maanta la arkaayay iyagoo isaga baxaya Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona ay dib ugu laabteen dalkooda.

Ciidankan, ayaa ka baxay xero dhinaca koonfureed ee magaalada ku taala, waxayna duhurnimadii maanta ka gudbeen xuduudda uu Gobolka Galgaduud la wadaago Itoobiya.

Dadka deegaanka, ayaa soo sheegaya in ciidan yar oo kuwo Itoobiya ah ay baaqi ku yihiin xeradaasi, mana kala cadda in ay isaga bixi doonaan iyo in kale.

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, ayaan ka hadlin waxa keenay in inta badan ciidankoodu isaga baxaan Magaalada Dhuusamareeb, maadaama ay sheeganayeen in ay qayb ka yihiin Amisom.

Maamulka Gobolada Dhexe (Ahlu Sunna), ayaan sidoo kale ka hadlin ka bixista Militariga Itoobiya ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Itoobiya, ayaa 3-tii bishan isaga baxay Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ka dib muddo saddex sano ah oo ay ku sugnaayeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300