Published On: Fri, Apr 14th, 2017

Dowladda Britain oo ka digtay u safarka Dalka Kenya

Dowladda Britain ayaa uga digtay muwaadiniinteeda u safarka qeybo ka mid ah Dalka Kenya, ka hor inta aysan dhacin doorashooyinka Madaxtinimo ee Dalkaasi.

Bayaan ka soo baxay Waaxda Arimaha Dibadda ee Dalka Britain, ayaa lagu sheegay in khataro amni ay ka jiraan qeybo ka mid ah Degaanada dhaca Gobolada Dalka Kenya.

Dowladda Britain ayaa walaac xoogan ka muujineysa amaanka Dalka Kenya, oo mararka qaarkood ay ka dhacaan weeraro ay mas’uuliyadoodu sheegtaan Xarakada Al Shabaab.

Degaanada amnigooda laga daarinayo ayaa dhaca Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya, halkaasi oo looga cabsi qabo in ay ka dhacaan Weeraro ay geystaan Al Shabaab.

Sikastaba, hadalka Dowladda Britain ayaa waxuu imaanayaa xili Booliska Kenya ay ka digeen in qeybo ka mid ah Dalkaasi uu ka dhaco Weeraro ay qorsheynayaan Xoogaga Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300